|

Taliye Diyaano oo Safaarada Mareykanka kala hadlay amniga caasimada

Muqdisho October 06, 2024(QJ)-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa maanta la kulmay la taliyaha safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya Flanery Robert oo ah la taliyaha la dagaalanka Argagixisada.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka amniga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay taliska booliska.

Wada-hadallada ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray qorshayaasha dowladda federaalka ah iyo dadaalka saaxiibada caalamka ee ciribtirka argagixisada iyo sare u qaadida tayada ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Asad Cismaan C/laahi (Diyaano) oo dhawaan xilka la wareegay ayaa waxa uu kulamo la qaadanayay saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ka taageera dhanka amniga.

Taliyaha cusub oo horay uga soo shaqeeyay arrimaha ciidamada ayaa laga filayaa inuu la yimaado isbedello.

Arrimaha ugu daran ee hadda taagan ayaa waxaa ka mid ah in wax laga qabto ammaanka caasimadda oo inta badan ay la kulmaan weeraro kaga yimaada Al-Shabaab iyo in sare loo qaado tayada guud ee ciidamada Booliska.

Leave a Reply