|

Muqdisho oo canshuurta iibka laga qaadi doono

Muqdisho August 16, 2024(QJ)–Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in laga bilaabo maalinta Axadda ee taariikhdu ku beegan tahay 18-ka Ogoosto 2024 ay si toos ah u qaadi doonto canshuurta iibka ee 5%. Dawladdu waxay sheegtay in cashuurtan laga jari doono ganacsiga ee goobta wax lagu iibinayo, halkaas oo macmiilku ka bixinayo adeegga ama badeecada uu soo iibsaday. Canshuurta iibka ayaa markaas si toos ah loogu shubi doonaa khasnada dhexe ee dowladda.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa sidoo kale ku nuuxnuuxsatay in si toos ah looga jari doono canshuurahaasi, laguna shubi doono Akoonka Dowladda Dhexe. Warkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo maalmo un ka dib uu soo idlaaday kulan u dhaxeeyay Ganacsatada Caasimadda iyo Wasiirka Maaliyadda oo la isku afgaran waayay in la dhaqan geliyo Canshuuraha Iibka, xili reer Muqdisho aaney wax aadeeg ah oo dawladeed aaney helin.

Comments are closed