|

Soomaaliya oo raali gelin ka dalbatay Itoobiya

Muqdisho August 16, 2024(QJ)-Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa war cusub ka soo saartay xiisada diblomaasiyadeed ee kala dhaxeysa Itoobiya, kaddib markii uu dhowaan natiijo la’aan ku soo dhamaaday wada hadal u dhaxeeyay labada dal oo ka dhacay dalka Turkiga.

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Fardowsa Cismaan Cigaal oo warbaahinta kula hadashay magaalada Muqdisho ayaa ku nuuxnuuxsatay in mowqifka Soomaaliya uu yahay mid aan waxba iska bedelin. Waxay sheegtay in Soomaaliya ay Itoobiya ka rajaynayso in ay khaladkeeda ka noqoto oo ay raaligelin ka bixiso, kadibna dariiq sharci ah loo maro.

Waxay kaloo caddeysay in khaladaadka dhacay iyo xadgudubyada dhacay ay mas’uul ka tahay Itoobiya, balse waxay rajo ka muujisay in Itoobiya ay saxdo falalkeedii hore.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan magaalada Ankara ay ku wadahadleen Soomaaliya iyo Itoobiya iyadoo aan wax natiijo ah laga gaarin, inkastoo labada dhinac ay isku afgarteen in dib la isugu soo laabto wareegga saddexaad ee wadahadallada bisha soo socota.

Comments are closed