|

Qaraxyo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Muqdisho August 11, 2024(QJ)-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya laba qarax oo nooca dhulka lagu aaso ah oo ka dhacay magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay Isbaaro ku taalla Galbeedka Jalalaqsi, halkaasoo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Macawisley. Sida ay sheegayaan wararka qaraxa ayaa sababay dhimashada labo ruux iyo dhaawaca saddex kale.
Qaraxa labaad ayaa isna ka dhacay meel ku dhow isla Koontaroolka, waxaana sidoo kale ka dhashay dhimashada labo ruux iyo dhaawaca labo kale. Tani waxay ka dhigeysaa tirada guud ee khasaaraha ka dhashay labada qarax ee miinada dhulka lagu aaso 4 dhimasho ah iyo afar dhaawac ah.
Dadka dhaawacmay ayaa la dhigay isbitaalka weyn ee magaalada Jalalaqsi, halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.
Sidoo kale, ciidamada ATMIS ee fadhigoodu yahay magaalada ayaa jaray isgaarsiintii magaalada, iyadoo laga yaabo inay sabab u tahay amni darro ka dhalatay qaraxyada. Ciidamada ayaa hadda wada howlgallo lagu xaqiijinayo amniga, inkastoo maamulka degmada uusan weli ka hadlin khasaaraha ka dhashay labada qarax ee miino ee ka dhacay Koontaroolka Galbeed ee magaalada Jalalaqsi.

Comments are closed