|

Soomaaliya iyo Iiraan oo heshiinaya

Jeddah August 10, 2024(QJ)-Soomaaliya iyo Iran ayaa muujiyay sida ay u daneynayaan hagaajinta xiriirkooda, kaddib kulan magaalada Jeddah ku dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Iran, Ali Bagheri Kani.

Fiqi, ayaa intii uu socday kulanka oo ku soo beegmay shirkii Ururka Iskaashiga Islaamka ee dhamaadkii todobaadkii hore, ayaa waxa uu soo dhaweeyay wada hadaladii ugu horeeyay, isagoona cambaareeyay ficilada Israel ay ka wado Gaza iyo dhulka Falastiin.

Waxa uu Iran ku ammaanay taageerada joogtada ah ee ay siiso qadiyadda Falastiin.

Soomaaliya ayaa xiriirka u jartay Iran sanadkii 2016-kii, iyadoo ku eedeysay faragelin gudaha ah, tallaabadaas oo loo arkay inay Soomaaliya la safatay Sacuudiga oo sanadkaas bilaabay olole diblumaasiyadeed oo lagu go’doominayo Iran. Si kastaba ha ahaatee, Riyadh iyo Tehran ayaa tan iyo markaas dib u soo celiyay xiriirkooda.

Ficiladii u dambeeyay ee Soomaaliya iyo Iran ayaa muujinaya suurtagalnimada in dib loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed, gaar ahaan ka dib markii ay Soomaaliya sii deysay 33 kalluumeysato Iranian ah bishii Maarso ee sanadkan.

Comments are closed