|

Erdogan iyo Abiy oo khilaafka Soomaaliya ka wada hadlay

Ankara August 10, 2024(QJ) -Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa wada hadal dhanka taleefanka ah yeeshay, waxayna ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo khilaafka Addis Ababa iyo Muqdisho.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Turkiga, Erdogan ayaa xusay doorka Turkiga ee dhimista xiisadaha ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo caddeeyay in tillaabooyinka la filayo in ay Itoobiya qaado si ay wax uga qabato welwelka ay Soomaaliya ka qabto midnimadeeda iyo madax-bannaanideeda ay gacan ka geysan karto horumarinta dadaallada nabadda.

Taleefankan ayaa ku soo beegmay wareeggii labaad ee wada-hadallada labada dal, kaasoo lagu wado inuu ka dhaco dalka Turkiga. 12-ka bishan ayaa lagu wadaa in wada hadaladu ay ka bilowdaan magaalada Ankara.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Turkiga si uu uga qeyb galo wada xaajoodka uu la yeelanayo Itoobiya.

Comments are closed