|

Africa oo ka shireysa Ciidamo loo soo diro Soomaaliya

Addis Ababa August 03, 2024 (QJ)-Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa lagu wadaa in maanta ay yeeshaan kulan ay dib u eegis ugu sameynayaan howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ka dib markii la soo gabagabeeyo howlgalka ATMIS ee dalka.

Shirkan oo markii hore lagu waday inuu dhaco 25-ka bishii July ayaa laba jeer dib loo dhigay. Waxaa la filayaa in laga wada hadlo sidii taageero dhaqaale loogu heli lahaa howlgalka cusub ee loogu magac daray howlgalka xasilinta iyo taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika ayaa warbixinno ka heli doona Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Maxamed El-Amine Souef.
Hawlgalka ATMIS-ka ka dambeeya ayaa la filayaa inuu ka koobnaado 11,911 shaqaale ah, oo ay ku jiraan 85 rayid ah, 11,146 askari, iyo 680 boolis ah, oo la geyn doono afar waaxood.
Qaab dhismeedka howlgalka cusub ayaa waxaa ka mid noqon doona ciidamada hadda jooga iyo ciidamo cusub oo laga yaabo in ay ka kala yimaadaan dalalkii  horay ciidamada ugu deeqay Soomaaliya.
Hawlgalka cusub ayaa la filayaa inuu socdo muddo afar sano ah.

Comments are closed