|

QM oo canbaareysay Qaraxii Liido

Mogadishu August 03, 2024 (QJ)-Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay Weerarkii Argagixiso ee xalay ka dhacay Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo la sheegay in ay ku dhinteen ku dhawaad ​​32 ruux tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehelada dadkii ku dhintay qaraxaasi, waxayna u rajeeyeen caafimaad degdeg ah kuwa ku dhaawacmay.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed C/fitaax Aadan Xasan oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa faah faahin ka bixiyay weerarkii arxan darada ahaa ee ka dhacay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu xaqiijiyay in 32 qof ay ku dhinteen weerarka, 63 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo lala beegsaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Sidoo kale waxaa uu xusay in howlgalkaas uu ku dhintay hal askari oo ka tirsan ciidamada Booliska mid kalena uu ku dhaawacmay. Sidoo kale, saddex nin oo weerarka soo qaaday ayaa ciidamada ammaanka ku toogteen gudaha Hotelka Beach View.

Comments are closed