|

Soomali reer Minneapolis ah oo lagu helay denbiyo

Minneapolis June 08, 2024(QJ) -Xeerbeegti heer federaal ah oo ku sugan Minneapolis ayaa danbi ku helay shan qof oo lagu eedeeyay inay malaayiin dollar ka lunsadeen barnaamijyo loogu talagalay in lagu quudiyo carruurta uu saameeyay COVID-19. Labo qof oo isla falkan lagu soo eedeeyay ayaa eedeymaha lagu waayay.
Hawlgalka, oo ah kuwii u horreeyay ayaa socday lix toddobaad.
Lix qof oo rag iyo dumar ah oo reer Minnesota ah ayaa lagu soo oogay dacwado badan oo ay ka mid yihiin wax isdaba marin,  eedaymo kale. Ugu dambeyntii, afar ka mid ah ayaa lagu helay eedeymaha, waxaaney muteysan karaaan ilaa 20 sano oo xarig ah.
Waxaa lagu eedeeyay in ay lunsadeen in ka badan 40 milyan oo doolar oo dowladdu ugu talagalo gashay in lagu quudiyo carruurta, taas oo ay soo marisay hay’ad  la yiraahdo quudinta mutaqbalkeena, oo xarunteedu tahay magaalada Minneapolis.
Shanta qof ee la soo oogay ayaa ka mid ahaa 70 qof oo lunsaday wadar ahaan $250 milyan oo ay ka heleen barnaamijyada gargaarka cuntada ee barnaamijka cunada ee Minnesota.
Dacwad oogayaasha ayaa ku andacoonaya in kuwa sheeganaya in ay quudiyaan carruurta ay dhab ahaantii ka faa’iideysteen joojinta booqashooyinkii ay dowladdu ku tagi jirtay goobaha quudinta.

Comments are closed