|

Guddida Doorashooyinka oo ka cawday Farogelin

Hargeysa June 05, 2024(QJ)-Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa xukuumadda iyo xisbiga talada haya ee Kulmiye ku eedeeyay inay farogelin sharci darro ah ku hayaan shaqadii ay u hayeen bulshada.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Muuse Xasan Yuusuf oo ay weheliyaan xubno kale oo ka tirsan Komishanka, ayaa xukuumadda iyo xisbigeeda ugu baaqay inaynan soo faro-geliyaan arrimaha doorashooyinka.

“Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxa ay digniin u direen xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye oo ay ku eedeeyeen inay faro-gelin ku hayaan arrimaha doorashada, dano siyaasadeed, baal marsan shuruucda iyo xeerarka doorashooyinka,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Waxa uu sheegay in Xukuumadda ay ku xad-gudbeen waajibaadkii Guddiga, isla markaana howlihii loo igmaday ay caqabad ku noqdeen, isagoo dhaliil u jeediyay Wasiirada qaar ka mid oo aanu magaacaabin.

Waxa uu ku booriyay dhammaan dhinacyada ay khuseyso doorashada in ay u hoggaansamaan shuruucda doorashada, isagoo sheegay in ciddii caqabad ku ah madax-bannaanida guddiga ay la kulmi doonaan tallaabo sharci ah.

Dhanka kale, xisbiga Waddani ayaa sidoo kale xukuumadda ku eedeeyay inay doonayso inay soo saarto nidaam cusub oo doorasho, kuwaasoo ay ku andacoonayaan inaan lagu hirgelin karin muddada loo qabtay.

Comments are closed