|

Taliyaha Ciidamda Puntland oo ka hadlay shaqaaqo Bossaso ka dhacday

Bossaso June 05, 2024 (QJ) -Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland ayaa ka hadlay dhacdadii maanta ka dhacday magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, halkaasi oo ay iska hor imaad ku dhexmareen ciidamada Booliska iyo ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan kuwa PSF-ta Puntland.
Shir jaraa’id oo uu taliyaha ku qabtay magaalada Garoowe ayuu ku sheegay in ciidamada PSF-ta ay weerar ku qaadeen saldhigga Boosaaso, halkaas oo ay ku xirnaayeen shaqsiyaad uu sheegay in ay xiriir la leeyihiin PSFta, taasoo keentay in la sii daayo shaqsiyaadkaas lana dhaawaco askar.
Waxa uu xusay in maxaabiista la sii daayay ay u arkayeen kuwo amniga wax u dhimaya, wuxuuna maamulka iyo qeybaha bulshada ka codsaday in gacanta lagu soo dhigo.
Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhaawacantay israsaasayn xooggan oo maanta ka dhacday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka labada ciidan uu salka ku hayo muran ay ku lug leeyihiin shaqsiyaad gacan saar la leh PSF oo lagu xiray saldhiga weyn ee magaalada Boosaaso. Ciidamada PSF ayaa beeniyay sheegashada taliyaha.

Comments are closed