|

Jubaland oo eedeysaneyaal ku wareejisay Puntland

Galkacayo June 04, 2024(QJ)-Ciidamada Booliska Jubbaland ee ku sugan Gobolka Jubbada Hoose, ayaa maanta dad laga soo qabtay xadka ku wareejiyay Ciidanka Booliska Puntland, ee Gobolka Mudug.
Cawil Ciise Xirsi iyo Aadan Cilmi Ciise, ayaa lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen dilkii Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Afrax oo dhacay 29/1/2024  degmada Jariiban.
Labada eedaysane oo laga soo qabtay xuduudka Kenya iyo Soomaaliya, ayaa loo duuliyay garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf Axmed, halkaasoo ay ku wareejiyeen mas’uuliyiin uu hoggaaminayo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf.
Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf oo ah Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug ayaa u mahad celiyay Booliska iyo Odayaasha Jubbaland oo ka qeyb qaatay soo wareejinta eedeysanayaasha. Waxaa uu sheegay in ay la shaqeynayaan dhammaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, sidaasi darteedna dadka la soo qabto lagu wareejin doono heyadaha cadaalada, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

Comments are closed