|

Soomaaliya oo ku fariisaneysa kursiga Africa ee Gollaha Amaanka

NY June 14, 2024(QJ)-Soomaaliya ayaa la filayaa in ay hesho mid ka mid ah kuraasta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo aan cidna kula tartamin kursiga Afrika.

Doorashada ayaa lagu wadaa in ay dhacdo inta lagu guda jiro kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay 6-da bisha June.

Soomaaliya ayaa matali doonta qaaradda Afrika, iyadoo aysan jirin dalal kale oo Afrikaan ah oo ku tartamaya kursiga. Waa markii labaad oo Soomaaliya ay ku fadhiso kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka, iyadoo markii ugu horreeyay ay aheyd 1971 ilaa 1972.

Soomaaliya ayaa taageero xooggan ka heshay Midowga Afrika oo Soomaaliya u ogolaaday in ay noqoto musharaxa kaliya ee u tartamaya kursiga Afrika.

Laga bilaabo Janaayo 1, 2025, Soomaaliya iyo xubnaha kale ee aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka waxay billaaban doonaan waqtigooda, kaasoo ku eg December 31, 2026.

Comments are closed