|

PSF oo qabqabtay rag ka tirsan Daacish

Bossaso June 03, 2024(QJ) -Ciidamada ammaanka ee Puntland (PSF) ayaa maalmahan waday howlgallo qorsheysan oo lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
Ciidamada ayaa howlgalo balaaran ka sameeyay xaafadaha kala duwan ee magaalada, waxaana lagu soo qab qabtay shaqsiyaad lagu tuhmayo inay xiriir la leeyihiin Daacish (ISIS).
Saraakiisha gacanta ku haysa howlgalada lagu xaqiijinayo amniga ayaa sheegay in ujeedka uu yahay sidii loo soo qaban lahaa shaqsiyaadka la rumeysan yahay inay xiriir la leeyihiin Daacish, isla markaana ay khatar ku yihiin ganacsatada deegaanka.
Ciidamada ayaa ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigaan 3-ruux oo looga shakisan yahay in ay ku lug lahaayeen falal amniga wax u dhimaya, waxaana wali socda baaritaano.

Comments are closed