|

Koonfur Galbeed oo ka hortimi bixida ciidamada Itoobiya

Baydhabo June 02, 2024(QJ)-Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka horyimid hadal dhawaan ka soo yeeray La Taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali, kaasi oo ahaa in Ciidamada Itoobiya ay gabi ahaanba dalka ka bixi doonaan dhamaadka sanadka 2024-ka.

War qoraal ah oo lagu daabacay bogga rasmiga ah ee wasaaradda amniga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee X ( hore loo oran jiray Twitter-ka) ayaa lagu sheegay in ciidamada Itoobiya ay door muhiim ah ku leeyihiin dalka.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu tilmaamay hadalka ka soo yeeray La Taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Sheekh Cali inay yihiin kuwo qaldan.

Boqolaal askari oo qeyb ka ah howlgalka ATMIS ayaa ka howlgala magaalada Baydhabo iyo degmooyin kale oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Comments are closed