|

RW Xamza oo u dhoofay Seoul

Muqdisho June 02, 2024 (QJ)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u dhoofay magaalada Seoul ee xarunta dalka Koonfurta Kuuriya.
Ra’iisul Wasaare Xamza iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb galaya shir madaxeedka u dhaxeeya Jamhuuriyadda Kuuriya iyo dalalka Afrika, kaasoo soconaya 4-ta illaa 5-ta June.
Afhayeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Farxaan Maxamed Jimcaale, oo warbaahinta uga warbixiyay safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shirka Seoul uu diiradda ku saari doono xoojinta xiriirka ka dhexeeya Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriya.
Farxaan Jimcaale ayaa sidoo kale xusay in shir madaxeedkan looga hadli doono iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee dalalka Afrika iyo Kuuriyada Koonfureed oo martigelinaysa shirka.

Comments are closed