|

Xil Raamboo: C/Qadir Jirde iyo ex Xildhibaan Kijaandhe waxey ku balan fureen C/Lahi Darawal

Toronto June 01, 2024 (QJ) – Xilmadhibaan Maxamed Xuseen Raamboo oo sii wada kulamadii uu dalka Canada kula yeelanayey jaaliyadaha beelaha ku bahoobay taageerada Kulmiye ayaa shir kale la yeeshay jaaliyada beelaha Arab ee magaalada Toronto isaga oo kulamo horena la soo qaatay jaaliyadaha beelaha Habar Awal iyo Habarjeclo.

 

 

Xilmadhibaan Raamboo oo jaaliyada beeshiisa warbixin siinaya ayaa u sheegay in caqabadaha haysta urur siyaasadeed Horseed ee uu hogaamiyo C/Lahi Darewal ay ka mid tahay inaanu taageero ka helin siyaasiyiinta beesha Arab oo ay dayaceen, waxaanu xusay in cabdiqaadir Jirde iyo Ex Xildhiban Kijandhe ay Cabdilaahi Dirawal kaga baxeen balamo ay u qaadeen oo la xidhiidha inay la dhisaan ururka Horseed taas oo uu sheegay inay sababtay in taageerada ururku hoos u dhacdo.

May be an image of 14 people and text that says 'ΠΑΝ 416. 416.759.7242 RESTAURANI KED SOMALI GRILL SOMALIGRILL&CAFE & CAFE PIZZA PAPAJOENS PAPA JOHN'S'

Sidoo kale xilmadhibaanku waxa uu jaaliyada beelaha Arab u sheegay inaanay jirin musharaxiin Arab ah oo lagu boobay doorashadii deegaanada iyo golaha wakiilada, waxaanu xusay in musharaxiintii ay isku deegaanka ahaayeen ay iyagu isla dhaceen ka dib markay diideen inay kala hadhaan, isaga oo ku faanay in dhankiisa guusha uu doorashadaas uu ka gaadhay uu sabab u ahaa fulinta codsi uu u diray abtigii gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo uu sheegay inuu ka reebay musharaxii ay isku deegaanka ahaayeen ee Ismaaciil Faarax Qadhuus oo beeshu ka reebi kari wayday, isla markaana ahaa berigaa gacanta midig ee Faysal, madasha Toronto ee uu hadalkaas ka sheegayey ayaa waxa ku sugnaa xubno ka mid ah qoyska ilma Faarax Qadhuus.

Xilmadhibaan Raamboo waxa kale oo uu jaaliyada beeshiisa u sheegay in golaha wakiiladu aanu ansixin doonin gobolnimada Gabiley ilaa la raaciyo gobolka Hawd, iyada oo la ogaa in xildhibaanku hore geed dheer iyo mid gaabanba ugu fuulay inaan la ansixin derajo ay golaha wakiiladu u sameeyeen degmada Balli-gubadle ee xarunta gobolka Hawd oo ay ka dhigeen B halka ay markii hore ka ahayd C, taas oo ka dhigan inaanay waxba ka jirin faankiisa la midka ah ilmada yaxaaska maadaama oo hadalkiisa iyo ficilkiisu iska hor imanayaan.

May be an image of 5 people

xilmadhibaan Raamboo ayaa markale jaaliyada beeshiisa Arab u sheegay in cadawga kaliya ee ay Somaliland leedahay uu yahay dalka Jabuuti iyo madaxweynahooda Ismaaciil cumar Geelle oo ka soo horjeedsaday heshiiskii Somaliland la gashay Itoobiya, iyada oo xusid mudan tahay in shirarkii uu la yeeshay beelaha Habarjeclo iyo Habar Awal u ka dhaliilay dalka Jabuuti, waxaana iswaydiin mudan sababta ay Jabuuti ugu ogolaatay baasaaboorkeeda inuu ku safro qof fagaare kasta ka dhaliilaya dalkaas iyo madaxweynahooda, waxaana haboon in Jabuuti ay dabagal ku samayso sifaha uu baasaaboorka ku helay maadaama oo aanu u reer Jabuuti ahayn. Taas oo lala xidhiidhinayo in habkii uu ku helay ay ka soo horjeedo sharciga Jabuuti iyo shuruucda kale ee caalamiga ahba.

Ramboo ayaa sheegay in Mowqifkiisa ka dhank ah Jabuuti hore loo gaarsiiyay Madaxtooyada Jabuuti balse uu garab ka heyso Marwada Madaxweynaha oo aan sinaba dal kugalka looga xayuubin kareyn.

Sidoo kale jaaliyada beelaha Arab ayaa xildhibaan Raamboo u soo dhiibay lacag qaadhaan ah oo laga soo ururiyey magaalooyinka ugu waa weyn dalka Canada ee Toronto, Edmonton iyo Ottawa taas oo loogu tala galay dhismaha waddada Balli-gubadle iyo ololaha urur siyaasadeedka Horseed.

Taageero noocan oo kale ahna waxa hore loogu dhiibayna meel martay ilaa hatan lama hayo.

Xildhiban Rambo iyo... - Weriye Luqmaan Maxamed Faarax | Facebook

Xilmadhibaan Raamboo ayaa goobta kaga faanay in Abtiyaashii Garxajis oo uu ugu yeeray Cadawga Guddaha uu ka gaabsaday in uu u ga jawaabo kulamo ay ka dalbadeen in ay isku xogwareystaan.

Waxa uu beesha Arab intooda taageersan Muuse Biixi gooni gooni ugu sheegay in uu soo noqonayo oo uu jiro qorshe arintaa ku hirgeliyaan, sax iyo khalad.

Ugu danbayn xilmadhibaan Raamboo waxa uu ka mid ahaa mudaneyaasha tallada xoogan iyo taageerada mug lehba Muuse Biixi ku siiyey xasuuqii ay ciidamada Somaliland ka gaysteen deegaanada SSC Khaatumo, iyo Shacabkii doorasho doonka ahaa ee dalka lagu laayay, waxaanu safka hore kaga jiraa masuuliyiinta lagala xisaabtami karo wixii ka dhacay Laascaanood, isaga oo qayb ku lahaa tallooyinkii magaalada Laascaanood lagaga jaray laydhka, korontada, internet-ka iyo biyaha.

La soco warbixin ku saabsan xog aanu ka helnay sifaha uu xilmadhibaan Raamboo ku helay baasaaboorka Jabuuti iyo sida uu ku helay.

qurbejoog.com

TORONTO

Comments are closed