|

AFRICOM oo duqeyn ku dishay dagaalyahano ka tirsanaa Daacish

Jabuuti June 01, 2024 (QJ) -Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyn cusub oo dhanka cirka ah ay la beegsatay dagaalyahanada Daacish ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari ee Puntland.

Qoraal ka soo baxay Taliska Mareykanka Afrika ee AFRICOM ayaa lagu faah faahiyay howlgalkaasi, waxaana lagu sheegay in duqeynta ay ka dhacday meel ku dhow tuulada Dhaadaar oo qiyaastii 81 KM dhanka Koonfur Bari kaga beegan magaalada Boosaaso.

Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in duqeynta oo dhacday Jimcihii 31-kii bishan lagu dilay saddex ka tirsan maleeshiyada Daacish, waxaana la xaqiijiyay in howlgalkaasi aysan wax dhibaato ah kasoo gaarin dad shacab ah.

“U.S. ciidamada Afrika waxay sii wadi doonaan tababarida, latalinta, iyo qalabaynta ciidamada wada shaqaynta la leh si ay uga caawiyaan hoos u dhigida ISIS,” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka AFRICOM.

Comments are closed