|

Afhayeenka Wasaarada Difaaca oo ka warbixiyay Hawlgaladii u danbeeyay

Muqdisho May 31, 2024 (QJ) -Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Federaalka Soomaaliya Abuukar Maxamed Xasan ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada xoogga dalka ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah dalka.

Afhayeenka Wasaaradda ayaa sheegay in howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka sameeyeen todobaadkii la soo dhaafay deegaano kala duwan oo ka tirsan gobolada Shabeellooyinka, Hiiraan, Galgaduud, Baay iyo Bakool.

Sidoo kale waxa uu xusay in ciidamada dowladda ay howlgalladaasi ay ku gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab qasaaro xooggan, taasi oo keentay in la carqaladeeyo qorshahooda, lana burburiyo saldhigyadii ay ku sugnaayeen.

“Ciidanka xoogga dalka waxa ay weerar ku qaadeen fariisimo Al-Shabaab ay ku sugnaayeen, waxaana ka mid ahaa goobihii lagu askareyn jiray carruurta, lacago baad ahna ay ka qaadan jireen dadka deegaanka,” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Abuukar Maxamed Xasan.

Ugu dambeyn, Afhayeenka Wasaaraddu ma uusan sheegin tirada rasmiga ah ee Al-shabaab looga dilay howlgalladii ugu dambeeyay, balse wuxuu ku nuux-nuuxsaday in khasaare xooggan lagu gaarsiiyay Al-shabaab.

Comments are closed