|

Daacish oo sheegatay qarax ka dhacay Dayniile

Muqdisho May 30, 2024(QJ) -Kooxda Daacish ee ka dagaalanta Soomaaliya ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar Miino oo Talaadadii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo ay soo saartay kooxda Daacish ayaa lagu sheegay in qaraxa lala beegsaday ciidamo ku sugnaa bar koontarool oo ku taalla degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Kooxda ayaa sheegtay in weerarkaas ay ku dileen ugu yaraan 2 askari, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 4 kale oo ku sugnaa Koontaroolka.

Sidoo kale, Daacish ayaa sheegtay inay sii wadi doonto weerarrada iyo beegsiga ay ku hayaan ciidamada ammaanka iyo shaqaalaha kale ee dowladda Soomaaliya.

Ma jiro wax jawaab ah oo rasmi ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan sheegashada Daacish ee qaraxa miino ee ka dhacay degmada Dayniile.

Inta badan weerarada ay Daacish ka geysato magaalada Muqdisho ayaa isugu jira weeraro gaadmo ah iyo dilal qorsheysan, maadaama dagaalyahanadooda ay si qarsoodi ah uga howlgalaan gudaha magaalada.

Comments are closed