|

RW Xamza oo kormeeray dhismaha wadada isku xirka Muqdisho iyo Jowhar

Balcad May 30, 2024 (QJ)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa booqasho ku tagay degmada Balcad si uu ugu kuur galo bilowga wajiga saddexaad ee wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

Mar uu Ra’iisul Wasaaruhu ka hadlay faa’iidada wadadan ayaa ku nuux-nuux saday muhiimada ay u leedahay fududeynta ganacsiga, isu socodka dadka iyo gaadiidka, kobaca dhaqaalaha iyo bixinta adeegyada muhiimka ah. Waxa uu carabka ku dhuftay in wadadaasi ay dhimi doonto wakhtiga safarka iyo kharashaadka.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa intii uu ku guda jiray booqashadiisa waxa uu warbixin ka dhageystay Injineerada gacanta ku haya dhismaha wadadaasi oo ku aadan diyaar garowga wajiga saddexaad. Waxaa uu aad ugu mahad celiyay Dowladda Qatar oo mashruucan maalgelisay iyo Injineerada iyo howlwadeenada ku howlan dhismaha wadada.

Booqashada ayaa RW waxaa ku wehlinaayay xubno badan oo ka tirsan Golaha Wasiirada, Taliyeyaasha Ciidamada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Safiirka Qatar.

Comments are closed