|

Danab oo miino baaris ka sameysay Galmudug iyo HirShabelle

Galgadud May 28, 2024(QJ) -Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka sameeyeen deegaano ku teedsan xuduudaha ay wadaagaan maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Howlgalladan oo ay si gaar ah u fuliyeen ciidamada Danab ayaa lagu soo warramayaa in lagu soo qabtay xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab oo doonayay in ay ka gudbaan xadka ay wadaagaan gobolladaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale ciidamada ay howlgalo miino baaris ah ka sameeyeen wadooyinka ku teedsan xuduudaha labada maamul. Waxaa sidoo kale la xusay in howlgalka uu weheliyay taageero dhanka cirka ah oo ay ka heleen diyaaradaha militariga ee dowladda.

Si kastaba ha ahaatee, ma jiro wax iska horimaad ah oo ka dhashay howlgalkaasi, marka laga soo tago Shabaabka la qabtay, oo aan tiradooda rasmiga ah la sheegin.

Ugu dambeyntii Saraakiisha hogaamineysa Ciidamada Danab ayaa tilmaamay in ujeedka howlgalladan ay yihiin sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka deegaanada dhaca xadka kala qeybiya maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Comments are closed