|

Muuse Biixi oo sheegay in Itoobiya sugeyso Badda Cas

Hargeisa May 27, 2024 (QJ) -Madaxweynaha Mudo dhaafka xilka ku jooga ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in heshiiska uu maamulkiisu saldhig ciidan oo badda ku siinayo Itoobiya uu wax weyn ka tari doono arrimaha ammaan darada ah ee ka soo cusboonaanaya Badda Cas.

Biixi oo waraysi siiyey wargeyska Financial Times, waxa uu xusay in heshiiskani Somaliland u saamaxayo inay gacan ka geysato ammaanka gacanka cadmeed iyo badda cas oo ay dhawaanahan khalkhal galiyeen kooxaha Xuutiyiinta Yemen oo taageero ka helaya dalka Iran.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa horraantii sannadkan kala saxeexday heshiis is-afgarad ah, kaasoo u ogolaanaya Itoobiya inay saldhig milateri ka samaysato badda Somaliland. Taas beddelkeeda, Itoobiya waxay aqoonsan doontaa madaxbannaanida Somaliland, sida uu sheegay madaxweyne Biixi.

Inkasta oo Somaliland iyo Itoobiya labaduba sheegeen in heshiiskani uu horumarinayo is-dhexgalka dhaqaalaha iyo amniga gobolka, haddana dawladda Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeesatay heshiiskaas. Intaa waxaa dheer, dhowr waddan oo xeebaha Badda Cas ah ayaa iyana walaac ka muujiyay isfahamka.

Inkastoo Soomaaliya iyo dalalka caalamku ka soo horjeesteen isafgaradka, haddana labada dhinac waxay muujiyeen in isfahamka uu dhawaan si rasmi ah u noqon doono heshiis rasmi ah. Itoobiya ayaa dhawaan safiir buuxa u magacawday Hargeysa, taasoo muujinaysa sida ay uga go’an tahay dhaqangelinta heshiiska.

Comments are closed