|

Wasiirka Caafimaadka oo loo doortay Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shirweynaha Caafimaadka Adduunka

Geneva May 27, 2024 (QJ) -Shirkii 77-aad ee Caafimaadka Adduunka ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, waxaana Dr. Cali Xaaji Aadam Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya loogu doortay Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shirweynaha Caafimaadka Adduunka.

Golahan ayaa sanadkiiba mar ku kulma xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva, isagoo ka hadlaya arrimaha caafimaadka adduunka iyo qaadashada go’aannada muhiimka ah ee saameeya waddamada adduunka.

Sannadkan, mid ka mid ah qodobbada ugu muhiimsan ee looga doodayo Golaha Caafimaadka Adduunka ayaa ah soo jeedin ay soo gudbisay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Soo jeedintu waxay ujeedadeedu tahay in la mideeyo dadaallada caalamiga ah ee lagu dhimayo dhimashada hooyada iyo dhallaanka, iyadoo la waafajinayo hadafyada guud ee golaha. Tani waxay muujineysaa doorka muuqda ee Soomaaliya ay ku leedahay ajendaha caafimaadka adduunka.

Comments are closed