|

Madaxweyne Ruto oo Mareykanka weydiistay in ATMIS aaney bixin

Nairobi May 27, 2024 (QJ) -Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ay ka faa’ideysan doonto awood la’aanta Soomaaliya, kadib markii Midowga Afrika uu sanadkan kala baxayo ciidamadooda. Hadalkan ayaa imaanaya maalmo kadib markii Washington ay taageero cusub u ballan qaaday sirdoonka, amniga, iyo dadaallada nabad ilaalinta kiinya.

Intii uu ku guda jiray booqashadiisa Mareykanka, Ruto wuxuu ku booriyay Washington inay soo farageliso si looga hortago xaalad la mid ah tii Afgaanistaan, halkaasoo iskahorimaadyada socda ay khalkhal galiyeen xasilloonida gobolka. Madaxweyne Ruto ayaa sidoo kale xusay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kala hadlay walaaca ku aadan ka bixitaanka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya, inkastoo ay si isku mid ah aaney u arag.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Ruto ayaa ka codsaday dowladda Mareykanka inay soo farogeliso arinta oo ay hakiso bixitaanka ATMIS.

Kenya waxaa hadda Soomaaliya ka jooga ciidamo isugu jira ATMIS iyo kuwa aan ahayn ATMIS, iyadoo dad badan ay aaminsan yihiin inay u joogaan arrimo dhaqaale iyo siyaasadeed oo Kiinya u gaar ah.

Comments are closed