|

In ka badan 20,000 oo arday oo u fariisanaya imtixaanaadka degmooyinka Puntland

Garoowe May 25, 2024(QJ) -Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta si rasmi ah u daah furay Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalada 8-aad iyo 12-aad ee dugsiyada Puntland ee sanad dugsiyeedka 2023/2024.

In ka badan 20,000 oo arday ayaa la filayaa inay u fariistaan imtixaanaadka guud ahaan degmooyinka Puntland.

Madaxweynaha oo uu weheliyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, Fu’aad Abshir Axmed oo ka qayb galay furitaanka Imtixaanka ayaa sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay sidii ardayda Imtixaanka u fariisanaysa ay u heli lahaayeen fursado isku mid ah iyo dhiiri-gelin, ujeedaduna tahay. ee guusha.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo iasagu qeybiyay warqadaha Imtixaanka ee fasalka 12-aad ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay natiijada.

Sanadihii la soo dhaafay ayaa guud ahaan gobolada Puntland si isku mid ah looga qaaday imtixaanaadka shahaadiga ah kadib markii la mideeyey manhajka dugsiyada Puntland.

Comments are closed