Al Shabaab oo weerar ka fuliyay Gaarisa
Garisa May 25, 2024 (QJ) -Xoogag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa maanta weerar gaadmo ah ku qaaday kolonyo ka tirsan ciidamada booliska Kenya oo marayay duleedka magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari. Weerarkan oo ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa xigay dagaal ciidamada Kenya iyo kuwa Al-Shabaab ku dhexmaray deegaanka Ijaara oo ku dhow magaalada Gaarisa. Wararka ayaa sheegaya in iska horimaadku uu socday muddo daqiiqado ah, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna tilmaameen inay gubeen mid ka mid ah gaadiidka dagaalka ee ciidamada Kenya, ayna halkaa ku dileen askar badan. Saraakiisha dowladda Kenya, ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadooda ay ku guuleysteen inay iska caabiyeen weerarka, islamarkaana ay khasaare gaarsiiyeen dagaalyahannada Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro nuucaan oo kale ah ku qaada Ciidamada Booliska iyo kuwa Milatariga Kenya ee ka howlgala deegaano ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari. Weeraradan ayaa waxaa ka dhashay khasaare baaxad leh iyo burbur.