Al Shabaab oo weeraray xeryo ciidan oo ku yaal Berdaale
Bardaale May 24, 2024 (QJ) -Dagaalyahano ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ku leeyihiin degmada Bardaale ee gobolka Baay.
Iska horimaad kooban ayaa dhexmaray labada dhinac, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan. Inta la xaqiijiyay saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ku dhaawacmay weerarka.
Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Baay, Amiin Mad Dauur, ayaa sheegay in Shabaabkii weerarka soo qaaday ay ugu suurtagashay inay iska caabiyaan, maadaama ay sirdoon hore u haysteen.
Waxa uu xusay in Bardaale ay haatan ka socdaan howlgalo lagu baadigoobayo raggii Shabaabka ahaa ee weerarka geystay.
Weerarkan Al-Shabaab ay ku qaadeen Bardaale ayaa ku soo aadaya xilli deegaanka uu ku sugan yahay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Xasan Cabduqaadir Maxamed.