|

Hawlgalka Ciidamada Yurub oo burcad ka badbaadiyay Markab

Mogadisho May 24, 2024 (QJ) -Howlgalka Atalanta ee Midowga Yurub ayaa maanta ku dhawaaqay in lagu guuleystay furashada markabka ganacsi ee Basilisk, kaasoo ka babanayay calanka dalka Liberia, iyadoo ay la socdeen 17-shaqaale ah oo la socday, kaddib markii ay isku dayeen kooxo looga shakisan yahay inay burcadbadeed yihiin oo lagu afduubtay badweynta Hindiya.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed, Basilisk waxaa weeraray kooxo looga shakisan yahay budhcad-badeed maalintii Khamiista, May 23-keedii. Hal qof oo ka mid ah shaqaalaha markabka ayaa ku dhaawacmay weerarka balse waxaa lagu soo waramayaa inay xaaladeeda wanaagsan tahay kadib markii ay daryeel caafimaad ka heleen kooxda Atalanta.

Wararka ayaa sheegaya in kooxaha burcadbadeedda ah ay xalay ka degeen markabka kaddib markii ay dareemeen khatar ku soo wajahan, taasoo keentay in uu dhaawac soo gaaro hal burcadbadeed ah.

Markab dagaal oo ka tirsan howlgalka Atalanta oo roondo ka waday aaggaasi, ayaa ka jawaabay weerarka habeenkii Khamiista. Ciidamada Milateriga ayaa markabka ganacsi u daatay

Dhacdadani waxa ay hoosta ka xariiqday khatarta budhcad-badeedda ee ka jirta gobolka badweynta Hindiya.

Howlgalka Atalanta waa howlgalka Midowga Yurub ee looga hortagayo burcad badeeda Soomaalida, waxaana la bilaabay sanadkii 2008-dii.

Comments are closed