|

Xildhibaan Raambo H/Awal & H/Jeclo muxuu kala kulmay? TORONTO

TORONTO May 23, 2024 (QJ)-Xildhibaan Maxamed Raamboo oo sugan magaaladaToronto ee dalka Canada ayaa bilaabay shirar xisbiga kulmiye ugu ololaynayo oo uu la yeelanayo jaaliyadaha beelaha taageersan xisbiga kulmiye, iyada oo fiisaha dal ku galka iyo tigidhkana ay ka bixiyeen taageerayaasha kulmiye ee dalka Canada.

Xildhibaan Maxamed Raamboo ayaa kulankii ugu horeeyey oo qarsoodi ah la yeeshay jaaliyada beesha Habar Awal ee magaalada Toronto, waxaanu ku guubaabiyey inay taageero weyn la garab istaagaan xisbiga kulmiye maadaama oo doorashooyinkii la gaadhay. Shirkan uu la yeeshay beesha Habar Awal ayaanu si adag ugu dhaliilay dawlada Jabuuti oo uu baasaaboorkeeda wato.

Sida ay sheegayaan warar ay helayso shabakada qurbejoog.com xildhibaan Raamboo ayaa jaaliyada beesha Habar Awal u sheegay in cadawga kaliya ee ay Somaliland leedahay uu yahay dalka Jabuuti iyo madaxweynahooda Ismaaciil cumar Geelle oo ka soo horjeedsaday heshiiskii Somaliland la gashay Itoobiya, jaaliyada beesha Habar awal ayaanu xildhibaanku ka dalbaday inay taageeraan heshiiskii badda iyo saldhiga milatari ee Muuse Biixi la galay raysal wasaare Abiye Ahmed

Sida ay sheegayaan warar ay helayso shabakada qurbejoog.com xildhibaan Maxamed Raamboo ayaa kulamo qarsoodi ah la yeeshay beesha Habarjeclo kuwaas u dareensiiyey in taageeradoodii iyo hiilkoodaba uu xisbiga kulmiye u baahan yahay isla markaana laga doonayo inay garab istaagaan, isaga oo ku dhiirigeliyey inay muujiyaan taageeradoodii uu xisbiga uga bartay ee ay caanka ku ahaayeen. Xildhibaan Raamboo ayaana beesha Habarjeclo ku wargeliyey in ciidankii Somaliland ay jabiyeen beesha Garxajis haatana loo baahan yahay inaanay beesha bariga Burco taageerin musharax Cabdiraxmaan Cirro.

Xildhibaan Raamboo waxa uu jaaliyada beesha Habarjeclo dareensiiyey in xukuumadu awooda ugu badan iskugu gaynayso sidii uu u soo bixi lahaa Muuse Biixi, taas oo dadweynuhu u fasirteen inuu u jeedo in xisbiga Kulmiye ku shubanayo doorashada.

Xildhibaan Maxamed Raamboo sidoo kale waxa uu maalinta sabtida ee todobaadka soo socda la kulmiyaa inta taageersan xisbiga Kulmiye ee ka soo jeeda beesha Arab, iyada shirkaasna lagu casuumay dadka beeshaas ka soo jeedo ee aan taageersanayn si loogu qanciyo inay taageeraan Kulmiye.

Shabakada qurbejoog.com ayaa heshay qaar ka mid ah sawirada shirar beeleedyada uu xildhibaan Raamboo ka bilaabay dalka Canada, waanan idiin soo gudbin doonaa sawirada shirarka oo dhan marka uu qabsoomo shirka qorshaysan maalinta sabtida ee taageerada loogu raadinayo kulmiye.

Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in shirarka uu abaabulay xildhibaan Raamboo uu ku urursanayo lacag qaadhaan ah oo ay bixinayaan jaaliyadaha xisbiga Kulmiye taas oo lagu sheegay sooryo loogu talagalay xildhibaanka.

Ugu danbayn xildhibaan Raamboo waxa uu ka mid ahaa mudaneyaasha tallada xoogan iyo taageerada mug lehba Muuse Biixi ku siiyey xasuuqii ay ciidamada Somaliland ka gaysteen deegaanada SSC Khaatumo, waxaanu safka hore kaga jiraa masuuliyiinta lagala xisaabtami karo wixii ka dhacay Laascaanood, isaga oo qayb ku lahaa tallooyinkii magaalada Laascaanood lagaga jaray laydhka, korontada, internet-ka iyo biyaha.

qurbejoog.com

Toronto

Comments are closed