Shariif iyo Farmaajo oo dhaliilay Gollaha Wadashiga
Muqdisho May 19, 2024 (QJ) -Madaxweynayaashii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa si kala gooni gooni ah u tilmaamay qodobadii ka soo baxay shirkii Golaha wadatashiga Qaran ee dhawaan lagu soo gaba gabeeyay dalka, kuwo sii xumeynaya khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira.
Madaxweynihii hore ee Farmaajo ayaa walaac ka muujiyay baaqashada maamul goboleedka Puntland ee shirka. Waxa uu sheegay in Golaha Wadatashiga uu muujiyay kalsooni darro ka jirta dhexdooda, isla markaana ay Madaxtooyadu go’aano ka dhan ah Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta dalka la qaateen.
Farmaajo ayaa si adag uga digay hanaanka doorasho ee lagu heshiiyey shirkii Golaha wadatashiga Qaran. Waxa uu sheegay in tilaabadaasi ay sii kala qeybineyso shacabka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in hanaanka doorashada laga weecinayo habraacii saxda ahaa ee loo baahnaa in lagu qabto doorasho hufan.
Sidoo kale, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu ku howlan yahay faromaroojnta talada dalka si uu ugu gogol xaaro muddo kororsi iyo doorasho kaligii uu maamulo.
Shariif Sheekh Axmed oo ah hoggaamiyaha xisbiga Himilo Qaran ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in dalka aysan ka dhici karin doorasho loo dhan yahay iyadoo lagu jiro duruufaha jira. Wuxuu uga digay Madaxweynaha Soomaaliya inuu dalka u horseedo qalalaase siyaasadeed.
Shariif ayaa ugu baaqay dhinacyada siyaasadda isku haya inay go’aan midaysan ka gaaraan arrimaha dalka ka taagan, wuxuuna dowladda u soo jeediyay inay joojiso faragelinta ay ku hayso doorashada maamul goboleedyada.