|

Ugaandha iyo Kiinya oo ka hor yimi bixitaanka ATMIS

Nairobi ay 19, 2024 (QJ) -Madaxweynayaasha dalalka Uganda iyo Kenya, Yoweri Museveni iyo William Ruto, ayaa qeylo dhaan ka soo saaray qorshaha dib u eegista lagu sameynayo ciidamada ATMIS ee Soomaaliya looga saarayo, si looga hortago in amni darro.

Labada hogaamiye oo dalalkooda ay ku yabooheen ciidamada howlgalka ATMIS-ka ayaa walaac ka muujiyay kadib kulan ay Khamiistii ku yeesheen Aqalka Madaxtooyada Nairobi. Waxay walaac ka muujiyeen khatarta argagixisada iyo xasillooni darrada gobolka Geeska Afrika, waxayna xaqiijiyeen inay ka go’an tahay xoojinta nabadda iyo ammaanka gobolka.

“Intii aan la kulmay Madaxweyne Museveni, waxaan walaac ka muujinnay hoos u dhaca Atmis ee Soomaaliya, waxaana ku boorrinay in waqtiyada dhimista ay la jaanqaadaan xaaladaha amni ee Soomaaliya,” ayuu Madaxweyne Ruto ku yiri war-murtiyeedka wadajirka ah.

Hadalka madaxda ayaa imaanaya iyadoo 4,000 oo askari oo ATMIS ah lagu wado inay Soomaaliya ka baxaan dhammaadka bisha June, iyadoo ay 5,000 oo askari sannadkii hore ka baxay dalka.

Comments are closed