Somaliland oo gooni isutaageedii xustay
Hargeysa May 18, 2024 (QJ) -Jamhuuriyada iskeed isku magacawday ee Somaliland ayaa maanta si weyn looga xusay sannad-guurada 33-aad ee kasoo wareegtay markii ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga Somaliland, iyadoo meelo badan oo ka tirsan Somaliland iyo dibaddaba laga xusayo.
Munaasibadda ugu weyn ayaa lagu qabtay fagaare loo asteeyay oo ku dhow madaxtooyada Somaliland, waxaana ka soo qayb-galay madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, guddoomiyeyaasha golayaasha guurtida iyo wakiillada, Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, iyo guddoomiyaha xisbiga Xisbiga Waddani.
Masuuliyiin uu ka mid yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbado ka jeediyey munaasibadda xuska 18-ka May.
Sidoo kale, waxa munaasibadaasi ka soo qayb galay wakiilo ka socday dalalka dibadda ee fadhigoodu yahay Somaliland iyo qaar ka mid ah wufuud lagu soo casuumay dalka dibadiisa.
Munaasibadan oo ayaa waxa dhuulustus ku soo bandhigay qeybaha bulshada iyo cutubyo kala duwan oo ka tirsan ciidamada Somaliland oo ku qalabaysan hub, gaadiid dagaal.