|

Shirka Jiheynta Puntland oo furmay

Garoowe May 18, 2024 (QJ) -Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta furay shirweynaha barnaamijka jiheynta ee dowladda, kaasoo socon doona saddexda maalmood ee soo socda.

Barnaamijka jiheynta ee shirka ayaa diiradda lagu saarayaa qorshe howleedka xukuumadda hadda jirta, kaas oo looga gol leeyahay in lagu difaaco laguna horumariyo mabaadi’da siyaasadeed ee madaxtooyada iyo sidoo kale isku xirka dadaallada ka dhexeeya hay’adaha Puntland iyo horumarinta iskaashiga beesha caalamka.

Wasiirada dawladda Puntland ayaa inta uu shirku socdo waxa ay soo bandhigi doonaan qorshahooda,iyaga oo soo bandhigi doona waxyaabaha ugu muhiimsan ee loo baahan yahay in la hirgeliyo.

Madaxweyne Deni oo khudbad ka jeediyay furitaanka kulanka ayaa sheegay in Puntland ay ka go’an tahay horumarinta dowladnimada iyo u adeegidda gobolladeeda, isagoo ku nuux-nuux saday shaqada baaxadda leh ee looga baahan yahay in ay qabato dowladda hadda jirta.

Comments are closed