Xasan Sheekh oo markii sadexaad bil gudaheed booqanaya Ruto
Nairobi May 18, 2024 (QJ) -Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u safray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo la kulmay dhiggiisa dalkaas, William Samoei Ruto.
Hadal kooban oo uu baahiyay William Ruto oo ku saabsan socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kulanka ay wada qaateen ayaa lagu yiri “Wadashaqeynta aan la leenahay dowladda Jamhuuriyadda Soomaaliya waa mid miro dhal ah, gobolka waxaa ka muuqda nabad iyo xasillooni.
Intaa waxaa dheer, Madaxweynaha Kenya ayuuu yiri, “Waxaan ballan-qaadnay inaan kobcinno xiriirkan.”
War ka soo baxay warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta gaaray magaalada Nairobi ayaa la kulmay madaxweynaha Kenya William Ruto. waxaana laga wada hadlay in Wada-shaqeynta istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, oo ay salka ku hayso danaha wadaaga ee horumarinta xasilloonida iyo barwaaqada gobolka.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa safarkiisii saddexaad ku tagaya dalka Kenya muddo bil gudaheed ah.