Golaha Wadatashiga Qaran oo heshiisyo soo saaray
Muqdisho May 17, 2024 (QJ) -War murtiyeed ayaa laga soo saaray shirkii maanta lagu soo gaba gabeeyay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ee Golaha Wadatashiga Qaran.
Madasha ayaa diiradda lagu saaray dhowr arrimood oo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dadaallada xasilinta amniga, ka hortagga argagixisada Al-Shabaab, dib u eegista dastuurka iyo wax ka bedelkiisa iyo arrimo kale oo dastuuri ah.
War-murtiyeedka oo ka kooban saddex qodob oo muhiim ah, ayaa lagu muujiyey heshiisyada ay gaareen dhinacyada oo ay ka mid yihiin Tayeynta Amniga iyo La-dagaalanka Argagaxisada, Dar-dar gelinta Dib-u-eegista Dastuurka iyo Xoojinta Dimuqraadiyeynta iyo Arrimaha Bani’aadantinimada.
Goluhu wuxuu isku raacay in la dardargeliyo fulinta heshiisyadii hore, wuxuuna baarlamaanka ku booriyay in la dedejiyo ansixinta wax ka bedelka dastuurka ee hadda jira, isagoo sidoo kale qiray in loo baahan yahay in heshiisyada Golaha Wadatashiga Qaran lagu daro hannaanka dib u eegista dastuurka.