|

Jaamacada Carabta oo taageertay Midnimada Soomaaliya

Manama May 17, 2024 (QJ) -Shir madaxeedka 33-aad ee Jaamacadda Carabta oo lagu soo gaba gabeeyay dalka Baxreyn, ayaa mar kale lagu muujiyay taageerada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

War murtiyeed laga soo saaray gabagabada shir madaxeedka ayaa wadamada carabta waxay ku balan qaadeen in ay si hagar la’aan ah u garab istaagi doonaan madax banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxa ay ku nuuxnuuxsadeen in midnimada Soomaaliya ay tahay in la ilaaliyo madax banaanideeda, lagana hortago wax kasta oo wax u dhimi kara.

Wadamada Jaamacadda Carabta ayaa sidoo kale sheegay in ay taageerayaan dadaallada dowladda Soomaaliya ay ugu jirto la dagaallanka xagjirnimada, sugidda amniga, ilaalinta xasiloonida, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo ka qeyb galay shir madaxeedka ayaa madaxda kale la wadaagay horumarka ballaaran iyo dadaalka ay dowladdu ka sameysay la dagaallanka argagixisada, sugidda amniga dalka iyo horumarinta dhaqaalaha iyo dowlad wanaagga.

Comments are closed