|

RW Zamse o odhaleeceeyay xadgudubyada ka dhanka ah Falastiiniyiinta

Manama May 16, 2024 (QJ) -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo ka qeyb galay shir madaxeedka 33-aad ee Jaamacadda Carabta ayaa ka hadlay caqabadaha iyo fursadaha horyaalla dalalka Carabta, waxaana uu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in loo midoobo sidii wax looga qaban lahaa.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku celceliyay mowqifka taariikhiga ah ee Soomaaliya, isagoo ku nuux-nuux saday garab istaagga qadiyadda falastiin, wuxuuna cambaareeyey xadgudubyada iyo dulmiga ay la kulmaan. Wuxuu ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka, si buuxdana loogu hoggaansamo go’aannada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa uga warbixiyay madaxda dalalka Carabta xaaladda Soomaaliya, isagoo tilmaamay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah xagjirnimada, dib u habeynta hay’adaha amniga, dadaallada dib u heshiisiineed ee qaranka, iyo horumarka laga gaaray Qaranimada Soomaaliya inkastoo caqabado ay Dowladda Addis Ababa wado.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu soo hadal qaaday fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, wuxuuna ku boorriyay madaxda dalalka Jaamacadda Carabta inay taageeraan dadaallada dowlad dhisidda Soomaaliya, isagoo ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay u leedahay Soomaaliya taageerada maalgashigooda.

Comments are closed