|

Safiirka UK Shaqo u tegay Hargeysa

Hargeysa May 16, 2024(QJ) -Madaxweynaha mudo dhaafka ku jooga maamulka iskii isu magaacaabay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa madaxtooyada ku qaabilay safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mike Nithavrianakis oo safar shaqo ku tegey magaalada Hargeysa.

Kulankan ayaa lagaga wada hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin dardar gelinta mashaariicda kala duwan ee ay dawladda Ingiriiska iyo Somaliland si wada jir ah u wada fulinayaan iyo u diyaar garowga doorashooyinka mudo dhaafka ah ee soo socda oo ay xukuumaddu dedaal weyn u gashay sidii ay dib ugu dhigi laheyd.

Madaxweynaha mudo dhaafka ku jooga ayaa waxa uu Safiirka Ingiriiska uga mahadceliyey muhiimadda ay dawladda Ingiriisku siinayso mashaariicda ay labada dhinac gacanta ku hayaan. Safiirka ayaa dhankiisa sheegay in uu aad ugu mahadcelinayo Madaxweynaha hirgelinta dimuqraadiyadda iyo horumarka dowladnimada.

Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinayey kulanka Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Marwo Rooda Jaamac Cilmi.

Comments are closed