Duqeyn lagu dilay dgaalyahano Shabaab ka tirsanaa
Muqdisho May15, 2024(QJ) -Weerar ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo gacan ka helaya saaxiibo caalami ah ayaa ka dhacay gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.
Weerarka koowaad ayaa ka dhacay deegaanka Cali Xayle oo ku dhow degmada Ruunirgood. Howlgalka labaad ayaa ka dhacay deegaanka Baraak Sheekh Caamir oo ku dhow degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.
Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay in weerarkii ugu horeeyay ee ka dhacay deegaanka Cali Xayle lagu burburiyay gaari uu siday shidaal, taasi oo sababtay dhimashada xubno ka tirsan Al-Shabaab oo gaarigaasi ilaalinayay.
Dhacdadii labaad ee ka dhacday deegaanka Baraak Sheekh Caamir ayaa waxaa lagu burburiyay gaari dagaal.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan faah faahin ka bixin tirada Al-Shabaab looga dilay weeraradaasi.