James Swan oo di loo soo magacaabay
NY May 15, 2024(QJ) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa James Swan u magacaabay inuu noqdo Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Talaadadii. Swan waxa kale oo uu hogaamin doonaa Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).
James Swan ayaa si ku meel gaar ah u buuxinaya booska ka dib bixitaankii Catriona Laing.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa uga mahadceliyey Catriona Laing shaqada ay ka haysay UNSOM iyo dadaalkeeda Soomaaliya muddadan adag.
James Swan waa diblumaasi rug cadaa ah, waxaana uu horay u soo noqday Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya intii u dhaxeysay 2019 ilaa 2022.
Intaa ka hor, waxa uu ahaa Safiirka Maraykanka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo 2013 ilaa 2016, waxa uu ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsanaa dawladda Maraykanka sannadihii 2011 ilaa 2013.
James Swan waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, oo uu ku jiro ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Arrimaha Afrika ee 2006 ilaa 2008-dii.