|

Xasan Sheekh oo magacaabay Gudi difaacda midnimada

Muqdisho May 13, 2024 (QJ) -Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magacaabay guddiga heer qaran ee difaaca midnimada iyo wadajirka qaranka Soomaaliyeed.

Guddigan oo ka kooban 10 xubnood ayaa la magacaabay kadib markii madaxweynaha uu ogaaday baahida loo qabo in la xoojiyo tayada hoggaanka dalka iyo midnimada dhuleed, sida lagu sheegay warqad ka soo baxday xafiiska madaxweynaha oo ay heshay Caasimada Online.

Guddiga difaaca qaranka waxaa ka mid ah C/raxmaan Sheekh Yuusuf Caynte oo ah Guddoomiye, waxaana xubno ka ah Maxamed Cismaan Jawaari, Yuusuf Garaad Cumar, Dr. Maryan Qaasim Axmed, Cali Xaaji Warsame oo horay wasiir uga soo noqday Puntland iyo Falanqeeye Faysal Rooble.

Aasaaska guddiga difaaca qaranka ayaa kusoo beegmaya xilli ay cirka isku sii shareereyso xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, taasoo ka dhalatay heshiiskii bishii Janaayo ay Addis Ababa ku kala saxiixdeen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed.

Heshiiskan oo dhaliyay dood oo ku saabsan madax-banaanida Soomaaliya ayaa si weyn u xumeesay xiriirka dowladda federaalka iyo maamulka Addis Ababa, taasoo keentay walaac laga muujinayo dhaqangelinta heshiiskan muranka badan dhaliyay ee badda Soomaaliya.

Comments are closed