Wasiir Biixi oo ka qeybgalay shika 33aad ee madaxda Carabta
Manama May 13, 2024 (QJ)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa ka qeyb galay shirka 33-aad ee Wasiirada Maaliyadda Wadamada Carabta oo ka dhacay xarunta Jaamacadda Carabta ee magaalada Manama ee xarunta dalka Baxreyn.
Kulanka oo ahaa shir sanadle ah oo ay isugu yimaadaan madaxda Carabta ayaa waxaa diiradda lagu saaray wadahadalo heer wasiir ah oo ay ka mid yihiin horumarinta iskaashiga dhaqaale ee dalalka Carabta, sidii loo xoojin lahaa dadaallada wadajirka ah ee horumarinta dhaqaalaha nabadeed, iyo abuurista fursado lagu kobcinayo maalgashiga.
Wasiir Biixi ayaa intii uu kulanka socday ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay u leedahay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa sanadihii ugu dambeeyay horumar dhanka dhaqaalaha ah gaartay, gaar ahaan ka dib markii dalal dhowr ah ay ka cafiyeen deymihii ay ku lahaayeen. intaa waa dheer kor u kacay dakhli ururinta dawladda, gaar ahaan dakhliga cashuuraha.