Dooloow oo fatahaad baasani saameysay
Dooloow May 12, 2024 (QJ) -Wararka naga soo gaaraya degmada Doolow ee gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in fatahaad uu sameeyay webiga Jubba oo ku fatahay xaafadaha degmadaasi.
Bulshada ku dhaqan jiinka webiga Jubba ee Doolow ee labada dhinac ee Waqooyi iyo Galbeed ayaa maalmihii u dambeeyay la kulmayay sare u kac dhanka biyaha ah, gaar ahaan ka dib markii webiga uu qararka jabsaday, sida ay sheegayaan dadka deegaanka.
Qaar ka mid ah dadkii ku noolaa xaafadaha ay fatahaaddu saameeyeen ayaa u qaxay meelo kala duwan oo magaalada ah, iyadoo fatahaaduhuna ay khasaare xooggan u geysteen guryo badan.
Horay waxaa digniin looga soo saaray fatahaado iyo khatarta fatahaadaha ka dhasha roobabka dabeylaha wata ee ka dhaca gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo saameyn xun ku yeelan kara bulshada Soomaaliyeed.