|

Ms. Catriona Laing ayaa booqtay dhismaha xarunta Qaramada Midoobay ee Galmudug

Dhuusamareeb May 12, 2024 (QJ)  -Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan la qaatay wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing oo dhawaan soo gebagebeyneysa howleheedii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wafdiga ay hogaamineyso Ms. Catriona Laing ayaa booqday dhismaha xarunta Qaramada Midoobay ee Galmudug oo si habsami leh u socota, waxaana ay ka wada hadleen amniga, la dagaallanka argagixisada, arrimaha doorashooyinka, iyo siyaasadda guud ee dalka.

Ms. Catriona Laing oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay soo gabagabeyso howsheeda bishan May.

Comments are closed