Shidaal ku socday Al Shabaab o l qabtay
Xaradheere May 11, 2024 (QJ) -Ciidamada Milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa Kumaandooska Danab iyo Gorgor ayaa gacanta ku dhigay Shidaal la sheegay in loo waday Kooxda Al-Shabaab ee ku sugan deegaano ka tirsan Gobolka Mudug.
Howlgal ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad deegaanka ah oo ka dhacay duleedka degmada Xarardheere ayaa lagu soo qabtay 150 fuusto oo shidaal ah, kuwaasi oo la sheegay in si sharci darro ah loo waday. Shidaalka la qabtay ayaa la sheegay in la doonayay in si qarsoodi ah loo geeyo goobo loogu talo galay.
Sidoo kale, ciidamada dowladda ayaa gacanta ku dhigay laba qof oo lagu eedeeyay inay ka ganacsanayeen shidaalka la xiray, kuwaasoo la sheegay inay u wadeen Al-shabaab oo dagaallo joogto ah kula jira ciidamada dowladda.
Al-Shabaab ayaa looga bartay in ay ka ganacsadaan badeecadaha kala duwan ee koontarabaanka ah oo ay ku jiraan hub, daroogo iyo agabyo kale oo ay ku iibiyaan deegaanada xeebaha ah ee ay maamulaan ee gobolada Galgaduud iyo Mudug.