|

Itoobiya oo Somaliland u tababareysa ciidamo

Hargeysa May 09, 2024 (QJ)-Somaliland iyo Itoobiya ayaa dhawaan magaalada Addis Ababa ku kala saxiixday heshiis lagu tababarayo ciidamo cusub oo ka tirsan Booliska Somaliland.

Heshiiskan oo lagu baahiyey barta Facebook-ga ee Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa tilmaamaya in dhinacyadu ay gaadheen heshiis ku saabsan dhinaca tababarida ciidamada Booliska.

“Agaasimaha Tababarka Ciidanka Booliska Somaliland G/sare Cabdi Axmed Teer iyo Guddoomiyaha Akadeemiyada Booliska ee Dawladda Federaalka Itoobiya Mesfin Abeba, ayaa heshiis muhiim ah ka gaadhay tababaridda labada ciidan ee Booliska. ayaa lagu yiri warbixinta booliska.

Heshiiskan ayaa daba socda socdaal uu dhawaan Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi uu kula kulmay Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Federaalka Itoobiya, Komishaneer Demelashe G/Mechiel, sida uu Booliisku sheegay.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa muddooyinkan dambe sii xoogaystay is-fahamkooda siyaasadeed iyo dhaqaale, iyadoo la filayo in Itoobiya ay ka hesho saldhig ciidan oo dhinaca badda ah, halka Somaliland ay diyaar u tahay inay aqoonsi ka hesho Itoobiya iyo saami qaybsiga ganacsiga Itoobiya ee dekedda Berbera.

Comments are closed