Dawladaha Turkiga iyo Soomaaliya oo danbiyo dagaal lagu eedeeyay
Muqdisho May 08, 2024 (QJ) -Hay’adda xuquuqul insaanka ee Amnesty International ayaa sheegtay in bishii March ay duqeymo cirka ah oo ay fuliyeen militariga Soomaaliya, oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ay dileen 23 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan 14 carruur ah. Waxay ku baaqeen in baaritaan lagu sameeyo waxa ay ku tilmaameen “dambiyada dagaal”.
Sida ay sheegtay Amnesty, 18-kii Maarso, duqeymo xagga cirka ah ayaa lala beegsaday guri ku yaalla xaafadda Baqdaad ee koonfurta gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 22 qof, oo ay ku jiraan 14 carruur ah, iyo dhaawaca 17 kale.
Amnesty International ayaa ku warantay in dadka deegaanka ay ku wargeliyeen in duqeymaha diyaaraduhu ay ku dhaceen guryo ay daganaayeen dad rayid ah, taasoo ay daba socotay dagaal xooggan oo dhulka ah oo ay ku lug leeyihiin Al-Shabaab iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya.
Amnesty ayaa wareysatay 12 qof oo dhibanayaal ah, markhaatiyaal iyo khubaro, waxayna baaritaan ku sameysay sawirada dayax gacmeedka iyo sawirada haraaga hubka, si loo ogaado isticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2 ee Turkiga lagu sameeyo.
Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay isla deegaanka Baqdaad ee gobolka Shabeellaha Hoose, balse ma aysan qiran in dad rayid ah ay waxyeelo kasoo gaartay.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal gaar ah oo ka dhacay deegaanka Baldooska lagu dilay 24 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, halka 15 ka mid ah maleeshiyada lagu dilay duqeyn ka dhacday Baqdaad.
Amnesty ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya iyo Turkiga inay bixiyaan macluumaad faahfaahsan, balse ma aysan helin jawaab ay ku qancaan.