Dakhliga Soomaaliya oo kor u kac sameeyay
Muqdisho May 08, 2024 (QJ) -Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka warbixiyay qorshaha dib u habeynta maaliyadda dalka iyo horumarka laga gaaray arrimaha dhaqaalaha, gaar ahaan dhanka maaliyadda, dakhli ururin iyo kobaca dakhliga gudaha.
Wasiir Biixi Iimaan Cige waxa uu sheegay in lixdii bilood ee la soo dhaafay ay Wasaaradda Maaliyaddu horumar la taaban karo ka samaysay kor u qaadista dakhliga dawladda, dib-u-habaynta waaxda maaliyadda, hirgelinta nidaamka maaraynta maaliyadda oo dhammaystiran, iyo ka faa’iidaysiga tignoolajiyada casriga ah ee cashuur ururinta.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa ku nuux nuuxsaday in sanadkan uu kordhay ugu yaraan 30% dakhliga dowladda. Intaa waxa dheer, waxa uu iftiimiyay horumarka laga sameeyay nidaamka cashuur ururinta, taas oo muujinaysa in ay si weyn uga qayb qaadatay kor u qaadista dakhliga gudaha.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa ka hadlay arrimaha barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya iyo dadaalka ay dowladdu ugu jirto sidii guul looga gaari lahaa barnaamijka. Waxa uu sheegay in horumar la taaban karo laga gaaray xoojinta dakhliga gudaha, taasoo ah guul wax ku ool ah oo u soo hoyatay horumarinta dhaqaalaha dalka.
Wasiir Biixi Iimaan Cige waxa kale oo uu hoosta ka xarriiqay in hay’adaha caalamiga ah ee maaliyadda caalamku ay si weyn u taageersan yihiin isla markaana ay ku kalsoon yihiin qorshaha dib-u-habaynta dhaqaalaha Soomaaliya, taas oo muujinaysa in Soomaaliya ay ka faa’iidaysan doonto barnaamijka deyn cafinta ka dib markii dalku u qalmo Hindisaha dalalka deymaha leh ee HIPC, kaas oo si wadajir ah loo maamulo.