Ciiidmada dawlada oo Al Shabaab ka saaray degaano Gedo ka tirsan
Kismaayo (QJ) -Warar faah faahsan ayaa kasoo baxaya howlgalo maalmihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland ay ka sameeyeen degmooyin ka tirsan gobolka Gedo oo Al-Shabaab ay ku sugnaayeen.
Ciidamada isbaheysiga ayaa howlgalo ka sameeyay deegaano dhowr ah oo u dhaxeeya Luuq iyo Doolow ee gobolka Gedo, halkaasi oo ay horay ugu sugnaayeen Al-Shabaab.
Sareeye Guuto Cismaan Ninoole oo ah taliyaha qeybta 43-aad ee howlgalkan hogaaminayay ayaa warbaahinta u sheegay in Al-Shabaab ay dileen lix ka mid ah dagaalyahanadooda, tiro intaa ka badanna ay ka dhaawaceen.
General Ninoole ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada dowladda ay ka go’an tahay in ay joogteeyaan cadaadiska ay ku hayaan Al-Shabaab, isla markaana ay ka saarayaan gobolka Gedo.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallo ay wadaan ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Jubaland oo lagu doonayo in maleeshiyada Al-Shabaab looga sifeeyo deegaanada ay maamulaan Jubbaland.